Daawo Video: Hay,adda socdaalka & Jinsiyadda dalka Soomaaliya oo 27 sano ka dib shaqadeeda la wareegtay Puntland

15 Marso 2018 (Puntlandes) Waxaa 27 sano ka dib ayaa waxaa shaqadeeda ula wareegtay Hay,adda socdaalka iyo Jinsiyadda dalka Soomaaliya oo ka mid ah afar qodob oo dastuurku awood u siinayo dowladda Faderaalka.

Caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa lagu daahfurey nidaam soo bandhigaya wixii hadda ka dambeeya in hal qorshe, siyaasad, iyo mid maamul-ba ku shaqeyn doonaan xafiisyadda hay,addu ku leedahay Gobolladda dalka.

Hay,adda ayaa dhisme weyn laga xukumayo dhamaan laamaha ku yaala Bosaso,Gaalkacyo,Badhan iyo Buuhoodle ka hirgalisay magaalada Garoowe ka dib markey maalmo ka hor ka rartey qalabkii iyo shaqaalihii hay,adda oo 15-kii sano ee u dambeeyay ku shaqeyn jirey guri uga kireysnaa magaalada Garoowe.

Maamulka Hay,adda ee  qeybta Puntland  ayaa si rasmiya u shaaciyay in la mideeyay guud ahaan dalka Soomaaliya nidaamkii shaqada hay,adda isla markaana ay hadda isu diyaarinayaan sidii ay xarumo cusub uga samaysan lahaayeen Dekedaha iyo Garoomada diyaaradaha Puntland ka dib markey ku guulaysteen maamulladda ka jira dalka oo ku wareejiyay qeybo aan horey u hoos imaan jirin Hay,adda socdaalka.

Hay,adda ayaa dhisme weyn laga xukumayo dhamaan laamaha ku yaala Bosaso,Gaalkacyo,Badhan iyo Buuhoodle ka hirgalisay magaalada Garoowe ka dib markey maalmo ka hor ka rartey qalabkii iyo shaqaalihii hay,adda oo 15-kii sano ee u dambeeyay ku shaqeyn jirey guri uga kireysnaa magaalada Garoowe.

Maamulka Hay,adda ee  qeybta Puntland  ayaa si rasmiya u shaaciyay in la mideeyay guud ahaan dalka Soomaaliya nidaamkii shaqada hay,adda islamarkaana ay hadda isu diyaarinayaan sidii ay xarumo cusub uga samaysan lahaayeen Dekedaha iyo Garoomada diyaaradaha Puntland ka dib markey ku guulaysteen maamulladda ka jira dalka oo ku wareejiyay qeybo aan horey u hoos imaan jirin Hay,adda socdaalka.

Wariyaha PUNTLAND POST Abshir Dhiirane ayaa warbixin maqal iyo muuqaal ah ka diyaariyay dhaqaajinta hawlaha shaqada  mid ka mid ah hay,addaha dastuuriga ee dalka Soomaaliya.

88b

88b1

88b2

88b3

88b4

About The Author