Ciidamo la wareegay Xarunta Golaha shacabka ee Baarlamaanka

16 Marso 2018 (Puntlandes)   Ciidamo isugu jira kuwa Xasilinta iyo Koofi Gaduud ayaa la wareegay xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo uu cirka isku shareeray khilaafka ka dhex curtay Baarlamaanka.

89c6

Ciidamadan ayaa la geeyay xarunta waxayna ammaanka xarunta kala wareegay Ciidamo Boolis ahaa oo qaabilsanaa ammaanka Xarunta Golaha Shacabka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan lagu amray in aan xarunta gudaha loo geli karin, waxaana saacadihii la soo dhaafay soo baxayay warar sheegaya in Xildhibaanada ay kulan berri ku leeyihiin, lagana cabsi qabo in buuq iyo fowdo ka dhaco.

Hey’addaha ammaanka dowladda ayaa u muuqda inay degdeg u fara geliyeen xarunta golaha shacabka, inta aanu Baarlamaanka ka dhex bilaaban fowdo iyo gacan ka hadal.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaanada mooshinka ka wada Jawaari ay qorsheynayaan in hadii Jawaari uu shir guddoonka soo fariisto ay buuq ku furaan, maadaama mooshin ka yaallo oo la isku haayo sharciyadiisa.

Lama oga halka ay ku dambeyn doonto xaaladan cusub ee soo korortay, waxaana muuqata in Baarlamaanka uu labo garab u qeybsamay oo kala ah garab ay hoggaaminayaan Guddoomiye Jawaari iyo Mahad Cawad iyo garabka Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey iyo Xildhibaanada mooshinka keenay.

Puntlandes.com

About The Author