Jawaari “Xukuumadda ayaa weerar ku soo qaaday Baarlamaanka oo mooshinkan wado”

16 Marso 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo caawo shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa ayaa ku eedeeyay Xukuumadda inay weerar ku soo qaaday Baarlamaanka, isla markaana gaddaal ka riixeyso mooshinka laga wado.

89a

Guddoomiye Jawaari ayaa ku eedeeyey Xukuumadda inay doonayso inay burburiso Baarlamaanka, shaqadiisana fariisiso.

Gudoomiyaha Mooshinka laga keenay ayaa waxaa uu sheegay in Baarlamaanka la doonayo in laga dhigo Baarlamaankii 8aad, isagoo xusay in sababta mooshinka loogu soo kiciyay ay tahay arrimo uu diiday inuu saxiixo oo dhaawacaya nidaamka, mabda’a iyo ammaanada ay shacabka u dhiibteen.

Jawaari ayaa yiri “Jawaari ma ahan waxa loo socdo, ee waa Baarlamaanka oo la rabo in laga dhigo sida Baarlamaankii 8aad oo kale, Mooshinada la keenay waxaa sabab u ahaa arrimo aan diiday inaan saxiixo oo dhaawacaya ammaanada shacabka u dhiibteen”.

Waxaa uu ugu baaqay Xildhibaanada inay ilaaliyaan sharafka Baarlamaanka, isla markaana haddii mooshinkan dib loo soo celiyo uu diyaar u yahay in cod loo qaado oo banaanka la keeno.

Jawaari ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu la wareegay xarunta Baarlamaanka, kaddib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Madaxtooyada ay galabta la wareegeen xarunta Golaha Shacabka.

Puntlandes.com

About The Author