Sawirro: Beesha Maxamed Tareer (Wadamoge) oo taageertay Maamulka Degmada Bursaalax

17 Marso 2018 (Puntlandes) Waxaa Degmada Bursaalax ka dhacay 16kii Marso 2018 munaasabad ballaaran oo Dib u heshiisiin taariikhiya iyo Midnimo guud ah, taasoo dhex martay Beesha Maxamed Tareer (Wadamoge) iyo Maamulka Cusub ee Degmada Bursaalax.

Musaanabadda ayaa waxa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Xasan Maxamed Khalif (Xasan Abgaaloow),  Nabadoonada, waxgaradka, aqoonyahanka, dhalinyada iyo Haweenka Beesha Mahmed Tareer (Wadamoge) iyo maamulka Degmada Bursaalax oo u horeeyo Gudoomiye Maxamed saleebaan Diiriye oo abaabulay munaasabadda iyo marti sharaf kale.

Beesha oo ka mid ah beelaha dega Degmada iyo maamulka ayaa si wadajir ah ugu heshiiyey wada shaqayn Rasmi ah, iyadoo ay Beeshu mudadii ugu dambaysay ku jirtay ay wax ka tabanaysay qaabka saami qaybsiga maamulka.

Tabashada Beesha ayaa keenay kacdoon iyo la shaqayn la’aan Maamulka Degmada, waxaana ku guulaystay oo dadaal xoogan geliyey Maamulka cusub  iyo aqoonyahanka Degmadu iyagoo isku hawlay inay walalahood Reer Maxamed Tareer ka qayb noqdaan horumarka ku dhisan Isku Tashiga ee sida xawliga ah uga socda degmadda.

Munaasabadda ayaa ku soo dhamaatay guul, waxaana la isku afgartay in la iskaashado Meel na looga soo wada jeesto danaha degmadda Bursaalax iyadoo ay khudbado aad u qiiro badan soo jeediyeey maamulka Degmada iyo Nabadoonada, waxgaradka, aqoonyahanka, dhalinyada iyo Haweenka Beesha oo dhamaantood isku raacay faa’iidada midnimadu ay leedahay kuna baaqeen in shacabka iyo maamulka degmadu ay gacmaha isqabsadaan.

Ugu dambayntii waxaa shirka soo xiray Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Xasan Maxamed Khalif oo aad ugu hambalyeyey Maamulka Degmada Bursaalax ee hawshaan ka soo shaqeeyey iyo Nabadoonada, waxgaradka, aqoonyahanka, dhalinyada iyo Haweenka Beesha.

Daawo sawirrada
1

1a

2

2a

2a1

3

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18
Puntlandes.com

About The Author