Damjadiid oo Colaad ka abuuray Galgaduud lana damacsan mid la mid ah Gobolka Mudug

Maleeshiyadii Urur diimeedka Damujadiid ayaa dagaal xoogan ka bilaabay Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb iyagoo doonaya iney gacan ku heynta Magaalooyinkaas kala wareegaan Xoogaga Maamulka Ahlusunah Wal Jameeca. Damujadiid ayaa gobolka Galgaduud u diray Wafdi uu horkacayo Wasiir ku xigeenkii Arrimaha Dibadda Xukumadda la riday Mahad Mohamed Salaad si uu colaad uga rido gobolka Galgaduud kadibna Muqdisho loogu qabto Shirweyne lagu caleemo saari doono Wasiirkii hore ee amniga Cabdikariim Xuseen Guuleed.

“Damujadiid waxeey doonayaan iney Muqdisho ku caleemasaaraan Cabdikariim Dhegajuun,waana sababta ay dagaalada iyo colaada uga wadaan gobolka Galgaduud” ayuu yiri Gudoomiyaha Ahlsunah Sheekh Maxamud Macalin Xasan..

Sikastaba ha ahaatee, Damujadiid waxay iminka abaabulayaan dagaal in ay ka huriyaan Gobolka Mudug si ay u boobaan una samaystaan maamul ay ugu yeereen Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Puntlandes.com

About The Author