R/wasaare Khayre oo Deyniile ku kormeerey Ciidamo loo diyaariyay howlgal ka dhan ah Alshabaab

18 Marso 2018 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuuymadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay kormeerey Ciidankaan oo sida gaarka ah  loogu diyaariyey in ay fuliyaan howl gal qorshaysan lagu qaadayo goobaha lagu tuhunsanyahay in ay ku dhuumaalaysanayaan Nabadiidka  Alshabaab,kuwaasi oo ku sugan Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.

92

Ciidankaan ayaa isku jira  Boolis,Militari iyo Nabad sugidda Dalka,kuwaasi oo loo diyaariyay in ay qaadaan howl gal lagu  cirib tirayo Argagixisada Alshabaab,si ay uga hortagaan  dhibaatooyinka koxda Shabaab ay u soo maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbxiin ku aadan diyaar garowga ciidanka ka  dhageystay  Sarakiisha hoggaaminaysa waxa uuna   u muujiyey tageero,isagoo ku hadlayey magaca madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Khayre iyo saraakiisha la socotay ayaa  waxa uu   booqday saldhigga  Degmada Hodan,isagoo u kuurgalaya sida ay u socdaan howlaha lagu xaqiijinayo amniga,wuxuuna warbixin amniga la xiriirta uu ka dhageystay saraakiisha booliska.

Kormeerkaan uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa qeyb ka ah fulinta qorshayaasha Xukuumadda oo Amnigu uu ugu horeeyo,habeen hore ayuu raiisul Wasaare Khayre iyo Guddomiyaha Gobolka Banaadir waxaa ay kormeereen xarumaha ciidamada ay ku leeyihiin degmada Hilwaa ee Gobolkani Banaadir.

Puntlandes.com

About The Author