Wasiirka Gaashaandhigga”Abaabulka hadda aan sameyneyno wuu ka duwan yahay kii hore, Abaabulkaan waxaa hogaaminaya Madaxweynaha JFS”

18 Marso 2018 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal shiikh C/raxmaan wareysi uusiiyay Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in dhawaan la bilaabayo dagaal ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab.

92a

Wasiirka ayaa xusay in howlgalkaan uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo islamarkaana uu dhinacyo badan uga duwan yahay howlgaladii hore ee la sameyn jiray.

“Abaabulka hadda aan sameyneyno wuu ka duwan yahay kii hore, Abaabulkaan waxaa hogaaminaya Madaxweynaha JFS waxaana ka qeyb gali doona ciidamo isku dhaf ah, kaliya ciidanka Xoogga dalka maahan howlgalkaan”Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shiikh ayaa tilmaamay inuu dhamaaday waqtigii maleeshiyaadka Al shabaab ay dhibaatayn jireen Shacabka Soomaaliya.

“Meelo fara badan oo waxaa dhacday inta la tagay laga soo noqday, wuu ka duwanaanayaa kani, waxey noqoneysaa ciidana iney meesha xoreeyaan ciidan kalena loo diyaariyo iney hayaan, meel lagali doono oo laga soo noqon doono manoqoneyso”ayuu yiri Mudane Maxamed Mursal Shiikh.

Mudane Maxamed Mursal Shiikh wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xusay in howlgalkaan uu yahay mid aad looga fakaray oo uu noqon doono kii dalka oo dhan looga sifeyn lahaa Argagixisada, isagoo muujiyey in deegaanada laga xoreeyo Al-shabaab laga hirgelin doono adeegyada Bulshada oo ay ka qeyb qaadan doonaan arintaasi dhamaan wasaaradaha dowladda

Puntlandes.com

About The Author