Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare oo bilowday Dajintii imtixaamadka Sanad Dugsiyeedka 2017- 2018

18 Marso 2018 (Puntlandes) Xarunta Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Puntland magaalada Garoowe ayaa maanta lagu qabtay kulan looga hadlayey dajinta imtixaamadka kama danbaysta Shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2017-2018.
Kulankaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, gaar ahaan Xafiiska Guddiga Imtixaanaadka. Kullankaan ayaa waxaa kasoo qaybglay macalimiinta ka hawlgala Dugsiyada dhaxe iyo kuwa dugsiyada sare , shaqaallaha xafiiska imtixaanaadka iyo shaqaallaha kale ee ka mid ka ah Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
Agaasimaha Waaxda imtixaamadka ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Axmed Maxamud Warasame ayaa hadalo daah fur ah ka sheegay maddashaas, isaga oo sheegay in kulankaani uu yahay mid ku aadan dejinta iyo diyaarinta Imtixaanaadka sanadka 2018. Waxaa sidoo kale Agaasimuhu waxaa kalo sheegay in dhaqalihii imtixaanka sidii horay ahayn balse lagu shaqaynayo daruufaha jira awgeed.
.
Agaasime Ahmed waxa uu macallimiinta dejinaysa imtixaanka kula dardaaray in ay shaqada loo igmaday ay ka soo baxaan iyaga oo tix gelin siinaya duruufaha waxbarasho ee wadankeena.
Sidoo kale waxaa goob joog ahaa Madaxa shahadooyinka Waaxda Imtixaamaadka Mudane Maxamud Si Maxamed siciid (Caynsane) waxaa uu sheegay in 66 macallin ay sanadkan dejinayaan imtixaamaadka Puntland. Sidoo kale madaxa shahadooyinka Imtixaamaadka Puntland ayaa xusay in tirrada macallimiinta dejin jirtay imtixaamaadka sannadihii la soo dhaafay ay intaa ka badnaayeen; balse, sannadkan ay hoos u dhac ku yimid taageeradii dhaqaalle ee lagu kabi jiray imtixaamaadka oo yaraatay.

Shaqada macalimiinmta dajinaya imtixamaadka ayaa ah in ay diyaariyaan imtixaanka ay u fariisan lahaayeen Ardayda dhigata fasalka 8aad (Dugsiyada Dhexe) iyo sidoo kale fasalka 12aad (Dugsiyada Sare). Dajintaas oo Soconaysa Mudo 5 maalmood ah.
24 macalin Hubiyaal, 42 maclin deJiyaal, 6 Macalin Turjumayaal.
Ugu danbayntii Agaasimaha imtixaamadka Axmed Maxamud Warsame ayaa si wadajir ah ugu mahad celiyeen macalimiinta ka soo qayb galay kulankaas khaas ahaan Gabadhaha oo tiradooda oo aad u badnayd.

 

IMG_4619 - CopyIMG_4622IMG_4623IMG_4625IMG_4626IMG_4628IMG_4631IMG_4601IMG_4605IMG_4607IMG_4608IMG_4610IMG_4611IMG_4614IMG_4616

Puntlandes.com

About The Author