Dhagayso: Guddoomiye Jawaari oo aqbalay mooshinka, kuna baaqay in muddo 10 cisho gudahood cod loogu qaado

18 Marso 2018 (Puntlandes)  Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari oo goor dhow la hadlayay Warbaahinta ayaa aqbalay mooshinkii laga keenay, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay in cod lagu kala baxo sida uu qabo xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

92a3

Guddoomiye Jawaari ayaa beeniyay warar saacadihii la soo dhaafay la soo geliyay baraha bulshada, kaasoo ahaa inuu is casilayo, isagoo hadalkaas ku tilmaamay mid riyo ah.

Gudoomiye Jawaari ayaa yiri “Cod ayaa ku imid oo aan xilka Guddoonka Baarlamaanka ku hayaa, haddii aan baxayana cod ayaa ku baxayaa”

Sidoo kale Jawaari ayaa mar kale sheegay in ciidamo ay heystaan xarunta Golaha shacabka.

Jawaari ayaa sidoo kale ka dalbaday Xildhibaanada in muddo 10 maalmood gudahood cod loogu qaado mooshinka, si sharciga waafasan.

Hadalka ka soo yeeray Guddoomiye Jawaari ayaa meesha ka saaraya waan waan socotay oo la doonayay in lagu xaliyo xiisada siyaasadeed, waxaana muuqata in hadda iyo wixii ka dambeeya lagu kala bixi doono cod.

Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari ayaa u baahan si ay u ridaan Guddoomiye Jawaari 184 cod, taasoo ah arrin aan sahlaneyn oo u baahan olole la mid ah kii doorashada Madaxweynaha.

Dhagayso shirkii jaraa’id ee uu qabtay Gudoomiye Jawaari


Puntlandes.com

About The Author