Sawirro: Ciidamada Amaanka Bosaso oo saaka si rasmi ah u bilaabay Howlgal maalinimo ah oo ay ku xaqiijinayaan amaanka

18 Marso 2018 (Puntlandes)  Ciidamada Amaanka Magaalada Bosaso ayaa saaka si rasmi ah u bilaabay Howlgal maalinimo ah oo ay ku xaqiijinayaan amaanka islamarkaana ay bacaha madow kaga fiiqayaan gaadiidka magaalada .

Wadooyinka waaweyn ee magaalada waxaa la soo dhigay ciidamo booliis ah kuwaas oo wata gaadiid ciidan , waxana ay safaf dhaadheer geliyeen gaadiidka noocyadooda kala duwan iyagoona baaraya shacabka iyo dareewalada gaadiidka wata .

Waxaa xusid mudan in gaadiidka inta badan bacaha madow ama beersoolka laga fiiqayo inay yihiin kuwa shacabka ay wataan, halka intooda badanna ciidamadu siideynayaan kuwa ay wataan masuuliyiinta ama shaqaalaha dawladda ee ay aqoonsadaan.

2014 ayey aheyd markii kullan Golaha xukuumadda Puntland ku yeesheen Garowe gebi ahaanba ku mamnuuceen isticmaalka Bacda madow ama beersoolka, waxaana laamaha amaanka la faray wakhtigaa in laga wada simo shacab iyo shaqaale ama masuuliyiin dawladeed isticmaalidda beersoolka.

Daawo sawirrada

92a4

92a5

92a6

92a7

92a8

Puntlandes.com

About The Author