Faahfaahin kullankii xalay ee Madaxweyne Farmaajo & Guddoomiye Jawaari

19 Marso 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Guddoomiye Maxamed Cusmaan Jawaari ee uu Mooshinka ka yaallo ayaa xalay ku kulmay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo maalmahan Madaxweynaha hoy iyo xafiis ka dhigtay.

92b7

Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa ay ka wada hadleen in xaalada la dejiyo, sidoo kalena si sharci ah oo nidaam uu ku dheehan yahay xaalada lagu dhameeyo, iyada oo buuq kale uusan imaan.

Kulankan ayaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, khilaafka Xukuumadda iyo Baarlamaanka, iyadoo mar kale Guddoomiye Jawaari uu sheegay inuu ogol yahay in mooshinkaas la mariyo sida sharciga qabo, isla markaana cod loo qaado.

Guddoomiye Jawaari ayaa u sheegay Madaxweyne Farmaajo inuu diyaar u yahay in cod loo qaado Mooshinka ama uu guuleysto iyo ama in laga guuleysto, ama Xukuumadda oo awalba Mooshinka keentay inay ka laabato.

Sidoo kale Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in loo baahan yahay in mooshinkaas lagu qabto mudadii loogu tala galay ee xeer hoosaadka dhigayo oo ah muddo 10 cisho ah oo ka soo bilaabaneysa maalintii mooshinka la qabtay ee 14-ka bisha.

Waxaa kaloo uu sheegay in meel dhex dhexaad lagu qabto, isla markaana ay marqaati ka noqdaan maalinta codka loo qaadayo xubno ka socda Aqalka sare iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, sida culumaa’udiinka.

Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyay in wax kasta lagu kala baxo sharciga, isagoo ka dalbaday in arrimaha qaar ee uu soo jeediyay waqti la siiyo, sida arrinta ciidamada ee uu dalbaday Guddoomiye Jawaari laga qaado xarunta Golaha shacabka.

Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa saameyn ku yeeshay howlihii hey’addaha dowladda oo gebi ahaanba istaagay, waxaana labada dhinac ay wadaan olole xooggan iyo kulamo siyaasadeed.

Puntlandes.com

About The Author