Akhriso Qodobka 65aad ee dastuurka Somaliya oo sheegaya sida codka kalsoonida loogu qaadayo Guddoomiyaha & Kuxigeennada Golaha Shacabka

22 Marso 2018 (Puntlandes) Guddigii Aqalka Sare ee xalinta khilaafka Golaha Shacabka oo maanta soo saaray go’aano la xiriira khilaafka u dhaxeeyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xafiiska Ra’isul wasaaraha  dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa sheegay in maamulka Mooshoinka loo maro Qodobka 65aad farqadiisa 4aad  ee dastuurka faderaalka Soomaaliya.

92a3

Warbaahinta Puntlandes ayaa ummadda soomaaliyeed u soo  gudbinaysa Qodabkaas gaar ahaan farqadiisa 4aad oo si cad u sheegaya sida codka kalsoonida loogu qaadayo  Guddoomiyaha & Ku-xigeennada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Qodobka 65aad farqadiisa 4aad ee dastuurka faderaalka Soomaaliya ayaa u qoran sidan:

(4) Guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa waxaa codayn qarsoodi ah ku doorta aqlabiyadda tirada guud ee xubnaha Golaha Shacabka ee Federaalka ah, xilkana kaga qaada codbixinta saddex dalool laba dalool xubnaha Golaha Shacabka Federaalka ah.

Hooska akhriso qodoka 65aad ee dastuurka JFS

93a3

Wax ka bedelka qodobka 65aad farqadiisa 4aad

Haddii la doono in wax laga bedelo waxaa wax ka bedeli kara 3 meelood oo labo galaha Shacablka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, iyadoo ay tahay inay ansixiyaan wax ka bedelka 225 xildhibaan oo ka tirsan labada Aqal. Soomaaliya waxay leedahay laba Aqal Baarlamaan ka kooban iyo dastuur mana shaqaynayaso la jiifiyaana banaan sidii ay rabitaankaygu ku jirto ayaan samaynayaa.

Gudoomiye Jawaari waxaa xilka ka qaadi karta ugu yaraan 184 xildhibaan oo Golaha Shacabka ka tirsan oo si qarsoodi ah Sanduukh ku codeeya, kuwaas oo kalsoonida kala noqada.

Puntlandes.com

About The Author