Beesha Caalamka oo aqbashay codsi ka yimid Guddoomiye Jawaari

22 Marso 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ee uu mooshinka ka yaallo ayaa warqad qoraal ah u qoray Xubnaha Beesha Caalamka ee fadhigooda yahay Xarunta Xalane uu ku dalbanayo in Cod u qaadida Mooshinka ka yaala lagu qabto Xerada Calane, 

93a5

Qoraalka ayuu Gudoomiyehu wuxuu ku codsaday in cod bixinta Mooshinka lagu qabto Teendhadii ay ka dhacday Doorashadii Madaxweyne Farmaajo ee ku yaalla garoonkii Ciidamada Cirka ee Afisyooni, halkaasoo ammaankeeda ay gacanta ku hayaan AMISOM.

Guddoomiye Jawaari uu wali saluugsan yahay Ciidamada ay Xukuumadda geysay xarunta Golaha Shacabka, isla markaana ciidankii horay u joogay laga bedelay, taasoo uu ka cabsi qabo in si dimoqraadiyad ay u dhici weydo.

Warqada codsiga ee Beesha Caalamka u qoray Guddoomiye Jawaari ayaa la sheegay inay ka aqbaleen, si loo ilaaliyo dimoqraadiyada, isla markaana ay u dhacdo cod bixinta si xor iyo xalaal ah, isla markaana qarsoodi ah.

Sidoo kale Guddoomiye Jawaari ayaa dalbaday in maalinta loo qaadayo codka kalsoonida ay goobjoog ka noqdaan Kormeerayaal caalami ah iyo xubno ka socda Ururada Bulshada Rayidka iyo Culumaa’udiinka.

Teendhada Afisyooni ee sanad ka hor ka dhacday doorashadii Madaxweyne Farmaajo ayaa haatan la diyaarinayaa, inkastoo aan wali la cayimin xilliga la qabanayo cod bixinta, hadana waxaa la saadaalinayaa in hadii aanay Ciidamada la geeyay xarunta laga qaadin ay adkaan doonto in Jawaari aqbalo in cod bixinta ka dhacdo xarunta Golaha Shacabka.

Puntlandes

About The Author