Faah-faafin Qaraxii ka dhacay agagaarka Hotel Wehliye ee Wadada Maka Al-mukarrama

22 Marso 2018 (Puntlandes) Qaraxan loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa ku qarxay agagaarka Hotel Wehliye  ee Wadada  Maka Al-mukarrama.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha C/casiis  Cali Ibraahim (Xildhibaan) oo lahadlay Warbaahinta ayaa sharraxay khasaaraha, waxa uu sheegay in 14 ay dhimatay, halka  uu sheegay in kabadan 5 kalena uu dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi.

Kooxaha gurmadka degdegga  oo soo gaaray goobtuna waxa ay daad gureynayeen dadkii ku waxyeeloobey Qaraxa markii ay  halkaas soo gaareen ciidammada ammaanka Soomaaliya.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa sheegaya Tirada dhaawaca in ay ka badantahay 15 Qof oo qaarkood qabo dhaawacyo Culus.

Isbitaallada ayaa la dhigay qaar ka mid ah dadkii ku waxyeeloobey qaraxan oo dhacay xili qeybo ka mid ah Muqdisho ay ciidanka Xasillintu ka wadaan howlgallo lagu  bar tilmaameedsanayo kooxaha lidka ku ah amniga iyo argagixsada

Goobta  uu qaraxa ka dhacay waxaa ka muuqdey burbur baahsan, gaadiid badan oo wadada isticimaalayeyna halkaas ayeey ku bas beeleen.

93a6 93a7

Puntlandes.com

About The Author