Wax ka ogow Xeer hoosaadka Qodobka 9-aad & sida uu Xilka ku waayi karo Guddoomiyaha Golaha Shacabka

22 Marso 2018 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa ummadda Soomaaliyeed usoo gudbinaysa Qodobka 9-aad ee Xeer hoosaadka Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS, kaasoo si cad u sheegaya sida loo maamulaya haddii Mooshin laga keeno Guddoomiyaha Golaha iyo labadiisa ku-xigeen.

88a4

Farqada 5aad xarafkiisa a oo sheegaya in Guddoomiyaha ama ku-xigeenada marka laga keenay soo jeedinta (Motion) xilkaqaadida, in laga wareejinayo oo kaliya guddoominta fadhiyada, inta ay ka dhamaanayso arrinta la xiriirta soo jeedinta, codayntuna waa qarsoodi.

Hoos ka akhriso Qodobka 9aad ee Xeer Hoosaadka Golaha shacabka

Qodobka 9-aad: Xil Waayidda Guddoomiyaha Golaha iyo Labadiisa Ku-xigeen.

1-Guddoomiyaha Golaha iyo labadiisa ku-xigeen waxay xilka ku waayi karaan arrimaha soo socda:

a) Geeri

b) Istiqaalo qoraal ah oo uu soo gudbiyay Golaha ama mid oraah oo uu ka sii daayay warbaahinta

c) Maqnaansho cudurdaar la’aan ah oo gaaraysa 45 cisho oo isku xigta. 7

d) Ku xad gudub shareecada islaamka, Dastuurka Qaranka, Xeer Hoosaadka Golaha, ama shuruucda Qaranka.

e) Xil gudasho la’aan joogta ah sida:

i. Dhimirkiisa oo wax u dhiman (Waali), taasoo loo baahan yahay in uu soo cadeeyo gudi takhaatiir ah oo la aqoonsan yahay laguna kalsoon yahay

ii. Caafimaad daro joogta ah ama awood beelid uusan xilka la gudan Karin, taasoo loo baahan yahay in uu soo cadeeyo gudi takhaatiir ah oo la aqoonsan yahay, laguna kalsoon yahay

iii. Mar walba oo ay muddadu ka dhammaato

iv. Xukun Kama danabeys ah ay ku riday maxkamad awood u leh oo uu ku mutaysanaayo xabsi aan ka yarayn lix Bilood (6).

2. Moshin xil ka qaadis ee ku saabsan Xubin kasta oo ka mid ah Guddoonka Golaha, kuna salaysan asbaabaha ku xusan faqradda 1aad, xarfaheeda c,d,e (i,ii, iii,iyo iv), waxaa keeni kara xildhibaano aan tiradoodu ka yarayn seddax meelood meel (1/3) tirada guud ee Golaha. Codka xil ka qaadista wuxuu ku ansaxayaa aqlabiyad seddax meelood laba meel (2/3) ee xubnaha guud ee Golaha.

3. Soo jeedin moshin xil ka-qaadis ee ku aadan guddoomiyaha/ku-xigeenadiisa waa inuu ahaadaa mid sababeysan oo ku saleysan sharciga.

4. Moshinka xil ka-qaadista waxaa laga doodayaa loona codeynayaa (10) cisho oo maalin shaqo ah gudahood, laga bilaabo taariikhda moshinka la keeney Golaha.

5. Haddii Guddoomiyaha ama mid ka mid ah ku-xigeenadiisa ay soo wajahdo mooshin ah xilkaqaadis waxaa lamarayaa talaabooyinkan soo socda:

a) Guddoomiyaha ama ku-xigeenada laga keenay soo jeedinta (Motion) xilkaqaadida, waa in laga wareejiyo guddoominta fadhiyada,inta ay ka dhamaanayso arrinta la xiriirta soo jeedinta, codayntuna waa qarsoodi.

b) Haddii Guddoomiyaha ama Guddoomiye Ku-Xigeen uu lumiyo xilka, si waafaqsan qodobka 9 (2) ee xeerhoosaadka Golaha, Goluhu wuxuu Muddo shan iyo toban 8 (15) maalmood gudohood waa inuu ku doorto Guddoomiye ama ku xigeen cusub.

 

Halkana ka akhriso: Qodobka 65aad ee dastuurka Soomaaliya oo sheegaya sida codka kalsoonida loogu qaadayo Guddoomiyaha & Kuxigeennada Golaha Shacabka

Puntlandes.com

About The Author