Gudiga xalinta khilaafka Golaha shacabka oo dalbaday in deg deg ah ciidamada looga qaado xarunta Golaha shacabka

24 Marso 2018 (Puntlandes) Gudigaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS islamarkaana loo xilsaaray xal uraadinta khilaafka ka dhex taagan Hey,adaha Sharci Dejinta iyo Fulinta ee Dowladda Soomaliya ayaa dalbaday in deg deg ah ciidamada looga qaado xarunta Golaha shacabka.

94a

Gudigaan oo maalmahaan ku mashquulsanaa xal uraadinta khiklaafkaan taagan ayaa sheegay in loo baahanyahay in si deg deg ah loo furo kalfadhiga Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaliya lagana qaado ciidamada dheeraadka ah ee lageeyay xarunta Golaha Shacabka islamarkaana lasoo celiyo ciidmadii hore u joogi jiray xarunta Golaha Shacbka ee Barlamaanka.

Sidoo kale gudigaan ayaa dalbaday in la joojiyo lacagaha xad dhaafka ah ee ku baxay mooshinka ka dhanka ah Gudoomiye Jawaari.
Waxeyna intaasi ku dareen xildhibaanadaan ka shiraya xal uraadinta khilaafka beryahaan dambe taagan in codeynta mooshinkii laga geeyay Jawaari lagu guda galo muddo 10 cisho ah gudahooda kaasi oo ay kabilaabaneyso maalinta la gudbiyay mooshinka.

Dr Cilmi oo kamid ah gudigaan ayaa usheegay saxaafadda inaysan suurta gal ahayn in la cuuryaamiyo howlaha uu qaban lahaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaliya hayeeshee hakad la geliyo howlaha loo igmaday Xukuumadda Somaliya.

Puntlandes.com

About The Author