Dhagayso: Aqalka Sare oo ay la wareegayaan Amnigiisa ciidamo AMISOM ah

KODAK Digital Still Camera

24 Marso 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta fadhigii Golahu yeesheen ka sheegay in Ciidamo AMISOM ah oo suga amniga xarunta dhowaan la keenayo.

KODAK Digital Still Camera

Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in arrintan ay horay codsi ugu direen AMISOM, ayna kasoo jawaabeen codsigaas sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa yiri “Aqalka Sare go’aan buu ka gaaray oo la leeyahay waa in la keenaa AMISOM, qoraal baan u dirnay, waana naga soo aqbaleen, waa sugeynaa”

Xarunta Aqalka Sare ayaa ku taal degmada Shibis, gaar ahaan xaruntii Kuleejo Nouve Somalo ee agagaarka KM-0, kuna dhow Xarunta Dhexe ee Nabadsugida Qaranka.

Ammaanka Xarunta Aqalka sare ayaa waxaa gacanta ku haya Ciidamada Nabadsugida Qaranka, waxaana haddii AMISOM la wareegaan ammaanka xaruntan ka mid noqoneysa meelaha ay ammaankooda gacanta ku hayaan, sida Madaxtooyada, Xarunta Golaha Shacabka, Dekeda Muqdisho, iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo ay arintani dhabar jab ku tahay dawlad dhisidii  Soomaaliya.

Dhagayso Gudoomiye Cabdi Xaashi



Puntlandes.com

About The Author