Daawo Video: Waddo laami ah oo isku xiraysa xarumaha dowladda Puntland ee Garowe & magaalada oo dhismaheeda la bilaabay (Sawirro)

25 Marso 2018 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland mudane Cabdiqaadir Siciid Caarshe ayaa kormeeray wado laami ah oo isku xiri doonta halka ay ku yaalaan Wasaaraddaha dawladda iyo Qaybaha kale ee Magaalada Garoowe, taasoo ah mid aad muhiim ugu ah isku socodka iyo bilicda Caasimadda.

Dhismaha Wadada oo si toos ah u bilaamatay ayaa waxaa hadda ka socda dhigista Carada, iyadoo ay ka hawal galayaan shaqaale kala duwan oo aqoon durugsan uleh dhisida dhanka wadooyinka

Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta dawllada ayaa sheegay samaynta wadadan in ay fududayn doonto isu socodka shaqooyinka dawladda, iyadoo ay ku baxayso lacag dhan 180.000$ oo ay wasaaradda Maaliyadu bixinayso.

Dawladda Puntland ayaa ku samaysay Mashaariic badan oo dalka anfacaya Barnaamijka “Puntland ha isku Tashato” oo soo saaray Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Inta badan Wasaaraddaha dawladda Puntland ayaa ah kuwo ku yaala dhanka Buurta ee Caasimadda Puntland ee garowe, waxayna wadadani ahayd mid ay gaadiidku dhibaatooyin kala duwan kala kulmi jireen maristeeda.

Daawo muuqaalka

Daawo sawirrada

94a3

94a3a

94a4

94a5

94a6

94a7

FB_IMG_1521921001398

FB_IMG_1521920994744

About The Author