Akhriso Beesha Caalamka oo soo saartay Qodobo ay u aragto xalka Khilaafka Golaha Shacabka

24 Marso 2018 (Puntlandes) Tan iyo markii Mooshin laga keenay Guddoomiye Jawaari oo ay Xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre dabada ka riixayso uu soo if baxay ayaa waxaa Golaha shacabka hareeyay khilaaf, jahawareer iyo kala qeybsanaan, taasoo saameyn ku yeelatay howlihii caadiga ahaa ee Baarlamaanka.

91b

Waxaa kale oo Mooshinka Xukuumaddu uu keenay:

a) In Xukuumaddu ay shaqadeedii gabtay ayna ku mashuushay Mooshinka

b) In amnigii dalka uu hoos u dhacay ma uu faraha kasii baxay kadib Markii ay Xukuumadda dayacday

Maanta ayaa Beesha Caalamka ama saaxiibada Soomaaliya waxay soo saareen sadex qodob, qodobada ayaa waxay kala yihiin:

  1. Mooshinka in sidiisa loo daayo oo la socodsiiyo laguna kala baxo cod
  2. In la raadiyo xal Mooshinkana meesha laga saaro
  3. In ra’iisul wasaaare Xasan Cali Khayre is casilo

Sadexdaas qodob ayaa Beesha Caalamku usoo jedediyeen Garbihii ishayey ee Raäiisul wasaare Khayre iyo Gudoomiye Jawaari, iyadoo loo soo jeediyey inay mid ka mid ah isku raacaan.

Qodobadan ayaan  dhamaantood farxad gelin Xukuumadda Khayre oo doonaysay inay xilka ka qaado Gudoomiye Jawaari taasoo hada u muuqayta inaysan sahlanayn arintaasi.

Dhanka kale Gudoomiye Jawaari ayaa iminka shir lasoo qaaatay AMISOM, kaasoo aanu gadaal faahfaahintiisa aanu idiin soo gudbin doono.

Puntlandes.com

 

About The Author