Qarax Xoogan oo goordhaw ka dhacay Isgooska Sayidka ee Muqdisho

25 Marso 2018 (Puntlandes) Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu qarax aad u xooggan ka dhacay.

32c3

Qaraxaan oo ahaa mid si weyn looga maqlay guud ahaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo baxayo warar hordhac ah, isagoo ka dhacay Isgooska Sayidka ee magalaada Muqdisho waxaana loo maleenayaa in loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa laga arkayaa uuro madow oo ka baxeysa, waxaana halkaasi laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo loo maleenayo in ay ridayaan ciidamada dowlada ee ku sugan isgooskaasi.

Wali lama oga khasaaraha uu geestay qaraxan xoogan ee goordhaw dhacay Isgooska Sayidka oo ah halka ay kutaalo xarunta Baarlamaanka, waxaana sidoo kale meel ka ag dhaw kuyaala Wasaarada Amniga iyo Arimaha gudaha.

waxii kasoo kordha qaraxaan kala soco warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author