Akhriso Khilaafkii Golaha Shacabka oo ay cirka kusii shareertay Mahad Cawada oo qoraal uu burinayo kii Muudeey soo saaaray

25 Marso 2018 (Puntlandes) Khilaafkii Golaha Shacabka ayaa cirka kusii shareermay kadib markii uu Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/weli Muudeey uu shaaciyey qoraal uu ku hareer maray Dastuurka dalka iyo Xeer hoosaadka Golaha Shacabka, isagoo ku shaaciyey in Mooshinka Jawaari laga doodi doona 31da bishaan oo ku beegan sabtida.

94a

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka ayaa qoraalka soo saaray qoraal (halkan ka akhriso) wax yar kadib markii ay Aqalaka Sare soo saareen talooyin iyo baaq iyagoo u cuskaday Dastuurka iyo Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka halkan ka akhriso.

Jawaabta guddoonka golaha shacabka ee hadalka Muudeey

Guddoonka golaha shacabka oo fadhi yeeshay ayaa soo saaray in muddeynta uu qabtay guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka Cabdiweli Muudeey ee Mooshinka oo uu ku  sheegay Maarso 31-deeda aaney ka tarjumeyn go’aam kasoo baxay Gudoonka Golaha Shacabka.

Qoraal dheer oo uu soo saaray Gudoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mahad cabdalla cawad  ayaa  lagu sheegay in muddeynta aan lagala tashan guddoonka golaha shacabka. waxaa kale oo qoraalka lagu iftiimiyey in uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu yahay Maxamed Cismaan Jawaari uuna xilka Gudoomiyaha ka kooban yahay 10 qodob uuna ka reeban yahay hal qodob oo ka mid ah 10 kaas oo ah Gudoominta Fadhiga Golaha inta Mooshinku dhan u dhacayo sida uu qabo qodobka 9aad Xarafka 5aad farqadiisa a.

Hadalka labada dhinac ayaa u muuqda mid cirka kusii shareeraya khilaafkii jiray kaasoo keenay xasilooni-darro siyaasadeed iyo amnigii dalka oo faraha ka baxay kadib markii ay Xukuumadu ku mashquushay wax aan shawqadeeda ayayn oo ah ridida Godoomiyaha Golaha Shacabka.

Akhriso Qoraalka Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka kasoo baxay

94b3

94b4

Puntlandes.com

About The Author