Sawirro: Col. Kofi oo booqday safaaradda Soomaaliya ee Abuu Dhabi

26 Marso 2018 (Puntlandes) Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Koofi oo maalmahaan safar shaqo ku marayey wadamo ka tirsan dalalka Khaliijja ayaa booqdey safaaradda Soomaaliya ee ay ku leedahey dalka  Imaaratka UAE magaalada Abuu Dhabi, wuxuuna kulan la qaatey siihayaha safaaradda mudane Axmed Daahir Maxamed (Axmed Global) iyo dublamaasiyiinta kale ee safaaradda.

Kulanka agaasimaha iyo siihayaha safaaradda ayaa looga hadley ilaalinta sharuucda iyo habraaacyada bixinta Basaboorka iyo Dal-ku galka (visa).

Sido kale wuxuuna agaasimuhu Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jnsiyadda Soomaaliya intii uu safaaradda joogay la kulmay qaar ka tirsan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Abu Dhabi ee Caasimadda dalka UAE oo caqabado ay ka heysteen helidda baasaboorka.

Wuxuuna u sheegay iney dadaal ku bixinayaan sidii ay si fudud oo dhib yar ugu heli lahaayeen Baasaboorka,sidoo kale,Agaasime Kofi ayaa ku amaanay Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Abuu Dhabi wada shaqeynta kala dhaxeyso.

 

94b5

94b5a

94b5a1

94b5a2

94b53
Puntlandes.com

About The Author