Dhagayso: Khilaafkii Moshinka ee ay Xukuuumadu gadaal ka riixaysay oo Hey’adaha Dowladda Curyaamiyey

26 Marso 2018 (Puntlandes) Murankii u dhexeeyey Golaha Shacabka ee Baarlamanka JFS ayaa shaley waxa uu galey dagaal adag oo dhanka waraaqaha ah oo dhex marayey hay’adihii ugu sareeyey dowlada Soomaaliya.

94a

Qoraalkii ugu horeeyey waxaa soo saarey gudiga baaritaanka qilaafkan uu u saaray Aqalka Sare ee Baarlamanka, kaasoo faraayey gudoonka baarlamanka in loo hogaansamo dastuurka iyo sida uu qabo oo mudo 10 cisho gudaheed ah lagu horkeeno Baarlamanka.

Waxaa markiiba warqad kale uga jawaabey gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Muudey oo sheegey in xildhibaanadu isu yimaadaan 31ka bishan oo ku beegan sabtida, taasoo ah 3 cisho kadib sida uu Dastuurka dalka iyo Xeer hoosaadka Golaha Shacabka  sheegayo.

Waxaa iyana ka danbeysey gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mahad Cawad oo sheegey in qoraalkaasi uu yahay wax kama jiraan, oo aan la soo marsiin hanaan sax ah ee ay sheegayaan Dastuurka dalka iyo Xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Dhagayso warbixin iyo waraysiyo ay ka diyaarisay VOA

 


Puntlandes.com

About The Author