Sawirro: Xildhibaano gaaraya 100 oo ku shiray Villa Hargeysa oo eedeeyay Guddoomiye C/wali Muudey

26 Marso 2018 (Puntlandes) Xildhibaano oo la magac baxay Guddiga Badbaadada Baarlamaanka oo ku shiray xarunta Villa Hargeysa ayaa ku eedeeyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Ibraahim Muudey inuu la saftay Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari, bedelkii laga rabay inuu dhex dhexaad noqdo.

Guddiga Xildhibaanada kulanka yeeshay oo la sheegay inay gaarayeen illaa 100 ayaa waxaa shir guddoominayay Xildhibaan Maxamed Cumar Carte Qaalib, waxaana ay kulankooda ka soo saareen baaq.

Waxaa ay ku baaqeen in la helo Guddoon dhex dhexaad ah, isla markaana Guddoomiye C/wali Muudey aanu dhex dhexaad aheyn, isla markaana aanu keligiis go’aamin karin Kulanka Golaha Shacabka.

Waxay soo jeediyeen Xildhobaanadu in si degdeg loo qabto shirka Guddiga Joogtada, isla markaana Guddiga xalinta khilaafaadka Aqalka sare ay goobjoog ka noqdeen.

Sidoo kale waxay soo dhoweeyeen baaqii ka soo baxay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee la xiriira arrinta xal u helida Mooshinka.

Baaq ay Xildhibaanadu u direen Xukuumada

Guddigan ayaa ugu baaqay Xukuumadda inay faraha kala baxdo arrimaha baarlamaanka, isla markaana amniga wax ka qabato iyo xaalada ka taagan degmada Beledxaawo.

FB_IMG_1522068027610

FB_IMG_1522068024478

FB_IMG_1522068020633

FB_IMG_1522068017566
Puntlandes.com

About The Author