IGAD oo walaac ka muujisay Xiisada siyaasadeed ee Soomaaliya

26 Marso 2018 (Puntlandes) War saxaafadeed ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa walaac looga muujiyay xiisada siyaasadeed ee ka soo cusboonaatay hay’adaha dawladda Soomaaliya, kaasoo ka dhashay mooshin laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari.

94c6

Warka ka soo baxay IGAD ayaa lagu sheegay in xiisada siyaasadeed ee soo cusboonaatay ay qatar ku tahay horumarkii dowladda gaartay sanadkii la soo dhaafay, iyadoo ay IGAD ku boorisay dhinacyada uu khilaafka u dhaxeeyo in wax walba lagu xaliyo sida ku cad dastuurka dalka.

Beesha Caalamka ayaa horay walaac ka muujiyay xiisada siyaasadeed ee ka dhex qarxay Baarlamaanka iyo Xukuumadda, waxaana si la mid ah iyagana ku baaqeen in xaalada la dejiyo, laguna dhameeyo si sharciga waafaqsan.

 

94c5

Puntlandes.com

About The Author