Sawirro: Dhismaha Madaxtooyada Gaalkacyo oo maraya heer gabo gabo ah

26 Marso 2018 (Puntlandes) Dhismaha cusub ee Madaxtooyada dawladda Puntland ee ay dawladda Puntland ka dhisayso xarunta Gobolka Mudug ee  Gaalkacyo ayaa maraya heer gabo gabo ah.

Madaxtooyadan cusub ayaa ah Mawdaxtooyadii u horaysay 20kii sano ee ay Puntland jirtay oo ay yeelato magaalada Gaalkacyo, taasoo ay ka hirgelisay Xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Dr cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxtooyada cusub oo dhismaheedu marayo gabo gabo ayaa ku taala bartamaha magaalada Gaalkacyo, iyadoo halka ay ku taalo ay dawladda Puntland ka dumisay Guryo Doqoshyo noqday oo ay lahayd dawladii Soomaaliyeed. Waxaa hada ku socda shaqo aad u xoogan oo ka kooban dhirayn, Laami saarida wadada gudaha Madaxtoooyada iyo waliba dhamaystirka dhismaha oo si xawli ah u socda iyo waliba Hool wayn oo shirarka oo qaada 300 qof.

Dawladda Dr Gaas  oo Mashaariic wax ku ool ah ka wada guud ahaan Puntland ayaa waxay Gobalka Mudug ka wadaa mashaariic wax tar ah oo badan oo ay kamid yihiin xarumo dowladeed, Ceelal. Wadooyin, Garoon caalami ah iyo kuwa kale.

Madaxweyne Dr Gaas ayaa ugu horayn noqday madaxweynihii u horeeyey oo soo celiya bilicdii ay lahaan jirtay magaalada Gaalkacyo, kadibna waxa ay dawladiisu ka bilowday mashaariic badan oo wax ku ool ah.

Xarunta Gobolka Mudug ee Gaalkacyo ayaa Dr Gaas ka hor helin mudnaantii ay Puntland kul ahayd, iyadoo ay dayaceen madaxdii ka horaysay madaxweyne Dr gaas.

Daawo sawirrada
1

1a

1a1

1a1a

1a2

1a3

2

2a

2a1

3

4

5

6
Puntlandes.com

About The Author