Daawo Video: Prof ”Hadaad Puntland ogoshahay orodoo Puntland aad”

Jaaliyada Khaatumo ee Nairobi ayaa Xaflad soo dhawayn ah u sameeyey Prof Galayr hadaladii uu meesha ka jeediyey ayaa waxaa laga dhadhansan karay Xanaaq isagoo yiri ”Hadad Puntland ogoshahay orodoo Puntland aad” Waxaa ka mid ahaa weerihii Xanaaqa xambaarsanaa ee uu isticmaalayey Prof Galayr “.. ma arkaan kuwa haba eedaane Abtirsiinyadu jiidanayso…..” Waxaa dadkii meesha joogay ee reer Khaatumo ka yaabiyey markuu Prof ku yiri “Qarsan mayno cid aan fasax waydiisanayaa in aan Hargayso tago wadahadalna la galo ma jirto ..Garowe fasax ugama baahnin”

Waxaa  ka mid ahayd hadaladii uu yiri Galayr ”Dad halkan jooga baysan u muuqan waxa Puntland Beesha Caalamku ka sheegayso ee ay u muuqataa Somaliland waxa laga sheegayo”

Waxaa kaloo uu Prof ku codasay in uu jeclaan lahaa in uu arko Dokumentari maalin ah oo laga sameeyey Gabar Lascano joogta oo reer Khaatumo ah iyo Islaan caruur badan dhashay oo iyana Lascano joogto. Wuxuuna intaa ku daray in uusan u rabin Dokumentarigaas Beesha Caalamka in uu ku Qanciyo ee uu u rabo in uu ku Qancxiyo Goobta uu ka hadlayo jooga oo reer Khaatumo ah.

Halkan ka daawo

Puntlandes.com

About The Author