Miisaaniyada Puntland 2015 far baa ku Godan?

Wasiirka maaliyada dowladda Puntland Shirre Xaaji Faarax ayaa 11 kii dec 2014 Barlamaanka Puntland horgeeyay miisaaniyada 2015.Miisaaniyadaan ay soo bandhigtay wasaaraddu ayaa sanadkaan dhan ku dhawaad 72 milyan oo doolar

Waxyaalihii Miisaaniyadaas ku cusbaa waxaa ka mid ah Bangiga Aduunka oo Kabaya misaaniyadan wuxuuna ku kabayaa aduun lacageed oo gaaraya 22 milyan iyo 995 kun oo doolar. Waxayna u qaybsan yihiin 18 miyan oo Bangigu ku kabayo Mushahaarka Shaaqala Rayidka, waxay u dhigantaa 2 milyan oo doolar  bishii oo bilaabanaysa Abriil. Wuxuu kaloo kabayaa Bangigu Dawlad wanaaga oo uu ku kabayo 2 milyan iyo 997 kun doolar, waxay na u  dhigantaa 333 kun oo doolar bishii oo bilaabanaysa Abriil. Wuxuu kaloo kabayaa Bangigu Habka dhaqaalaha Dawlada oo uu ku kabayo 1 milyan iyo 998 kun doolar, waxayna u dhigantaa 222 kun oo doolar bishii oo bilaabanaysa Abriil

Wasiirku ma soo bandhigin Shaqaalaha uu Bangiga Aduunku Mushahaarkooda bixinayo inta ay le’eg yihiin? Tusaale ahaan hadaynu cecelis ahaan niraahno mushahaarka shaqaalu waa 250 doolar taasoo ah mid aad u saraysa oo aan macquul ahayn waxay noqonaysaa 8000 shaqaale in ay bishii ku filan tahay 2 milyan oo doolar. Hadaynu cecelis ahaan niraahno mushahaarka shaqaalu waa 200 doolar taasoo iyana ah mid saraysa waxay noqonaysaa 10000 shaqaale in ay bishii ku filan tahay 2 milyan oo doolar. Hadaynu cecelis ahaan niraahno mushahaarka shaqaalu waa 150 doolar waxay noqonaysaa 13300 shaqaale in ay bishii ku filan tahay 2 milyan oo doolar.

Waxaa kaloo iyana uu mad madow aad u wayn ku jiraa Canshuuraha ay kordhiyeen lama sheegin meelaha lagu kordhiyey iyo inta ka soo xaroonaysa sanadkii. Iyana iskaba daa warkooda Canshuuraha cusub oo ay soo rogidoonaan ama bilaabidoonaan.

Miisaaniyada waa in ay tahay mid la fahmi karo kuna jaango’an Dakhliga iyo Kharashka iyadoo labadaba la bayaaninayo.

Waxaa kaloo wax aan la qaadan karin ahaa sidii uu Wasiirka Maaliyada, oo ah matalaha Madaxweynaha iyo Golaha wasiirada, u soo jeediyey Baarlamaanka hortiisa.

 

Daawo wasiirka oo fahan waxa uu sharxayo ama u gudbinayo Baarlamaanka?

Puntlandes.com

 

About The Author