Daawo Video: Xildhibaano 100 gaaraya oo kasoo horjeeda motionka Jawaari oo ku shirsaya Villa Hargrisa (Sawirro)

28 Marso 2018 (Puntlandes) Xildhibaanada taageersan Guddoomiye Jawaari ee la magac baxay Guddiga Badbaadada Baarlamaanka ayaa kulan waxa uu hada uga socdaa Villa Hargeysa.

Shirkan oo ah dhoolatuskii u dambeeyay ee Xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinka Gudoomiye Jawaari ee ay gdaal ka riixayso Xukuumadda Xasan Cali Khayre ayaa la filayaa inay ka soo saaraan go’aan la xiriira Mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari.

Xildhibaanada ayaa kulankooda ku furay Heesta Calanka iyo Heesta “Nin Lagu Seexdoo ha seexan xilbaa sidaa ha seexan”

Wariyeyaasha ayaa looga yeeray xarunta Villa Hargeysa oo wax yar kaddib ay shir jaraa’id ku qaban doonaan Xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinka.

 

la soco wixii warar ee ku soo kordha.

Daawo muuqaalka

Daawo sawirradda
95c

95c1

95c2

Puntlandes.com

About The Author