Sawirro: Wasiirada Cadaaladda Dowlad goboleedyada Soomaaliya oo caawa Muqdisho casho sharaf loogu sameeyey

28 Marso 2018 (Puntlandes) Wasiirka Cadaaladda XFS Mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac,  ayaa caawa casho sharaf u sameeyey Wasiiradda Cadaaladda Dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Xafladaan Cashada ah waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Cadaaladda XFS, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Wasiirada Cadaaladda Dowlad goboleedyada, Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale Xafladda waxaa Riwaayado iyo heeso wadani ah ku soo bandhigay  Kooxda Hobolada fanaaniinta Onkod ee Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, kuwaasi oo aad ay ula dhaceen Madaxdii Xafladaan casho sharafta ah kasoo qeyb gashay.

Daawo sawirrada

95c3

95c4

95c5

95c6

95c7

95c8
Puntlandes.com

About The Author