Dacwada UNSOM ee dawaladda Soomaaliya ma Boor ku qarinta khilaafkeedaa?

29 Marso 2018 (Puntlandes) Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Amb Abukar Dahir Osman ayaa qudbad uu u jeediyay golaha ammaanka Qaramada Midoobay waxa uu ku dacweeyey ama ku eedeeyay madaxda sare ee UNSOM in ay buunbuuniyaan oo si qalad ah u tarjumaan siyaasada ka jirta dalka Soomaaliya, halkan ka akhriso khudbadda.

95e3

Ambassador Abukar Baalle ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay aad uga xun tahay falalka ay ku kacayaan madaxda UNSOM wuxuuna yiri “Waxaan aad uga xunahay in madaxda UNSOM ay marwalba madaxdooda marka ay shirar dhacayaan ay si qalad ah u tarjumaan siyaasada dalka Soomaaliya.”

Safiirku ma uusan cadayn waxa ay eedayntiisu ku qotonto hase yeeshee waxa uu ku celceliyay dhawr jeer inay dowlada Soomaaliya ay dhibsatay qaladaadka ay ku kacayaan madaxda UNSOM isagoo yiri “Waxaan si xoog leh ugu baaqeynaa in UNSOM ay gudato howlaha loo igmaday ee waajibaadkooda ah ayna joojiyaan buunbuuninta arrimaha siyaasada dalka Soomaaliya,taasoo dhaawacaysa dadaalada ay dowlada Soomaaliya ugu jirto sidii dalka loo horumarin lahaa iyo weliba xasiloonida wadanka.”
Waa markii ugu horeysay oo ay dowlada Federalka Soomaaliya si toos ah u eedeyso Xafiiska UNka u qaabilsan  Soomaaliya oo shaqadiisu ay shaqadiisu tahay caawinta sidii ay daw ladda Soomaaliya oo ay ragaadiyeen Khilaafyo Siyaasadeed ay mar kale  cagajheeda ugu is taagi lahayd ulana jaan qaadi lahayd caalamka.

Dacwaynta ama eedeyntan dawladda Soomaaliya ayaa waxay ku soo beegmeysaa xilli uu jiro khilaaf aad u xoogan halisna gelin kara jiritaanka dawladda uu ka dhex jira labada Aqal ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Sidoo kale waxa uu kusoo beegmayaa iyadoo ay Golaha Amaanku ka doodayeen in muddo sanad ah loogu kordhiyay in xafiiska UNSOM uu ka sii furnaado Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa waxay doonaysaa in lagu soo faragelin qalalaasaha siyaadeed ee socda kaasoo ay suurto gal tahay inay ku burburto wixii laga soo shaqaynayey ama lasoo dhoodhoobayey ku dhawaad 20ka sano.

Xafiiska UNSOM iyo waliba Beesha Caalamka waxay soo faro geliyaan markii ay dhacdo khilaafkan oo kale oo uu dhinac ku doonayo inuu sifo aan sharci ahayd ku jiiro dhinac kale isagoo adeegsanaya haykalka dawladnimad, waxaana ay xeel dheerayaal ay la hadashay Warbaahinta Puntlandes ku sababeeyeen inay sababta ay u tahay khilaafka jiraa in dawladdu ay eedayso ama dacwayso Xafiiska.

Puntlandes.com

About The Author