Talo soo jeedin ku socota madaxwayne Dr Gaas iyo Xukuumadiisa kuna saabsan Degaanka Bursaalax

1111

Waxa shirar aan kala go’ lahayn isugu yimid  Siyaasiyiin, Odayaal, Aqoonyahano, Dhalinyaro iyo Haween ka soo jeeda magaalada Bursaalax iyo nawaaxigeeda iyagoo gorfeeyey, qiimayna ku ku sameeyey Horumarka ka socda magaaladaas taasoo dadka dagaanku ay isku tashadeen. Waxayna Horumar lixaad leh ka sameeyeen waxa kasta oo dawlad looga baahnaa sida Biya galinta, Isbitaalada, iskuulada, korontada, dhisayna Isteeshin Boolis iyo dhamaan kaabayaasha dhaqalaha. Waxayna ku abuureen shaqooyin badan oo aan horay u jirin kana qaybqaatay kabcinta Degaanka iyo dhaqaalaha dalka.

1119

Waxaa qiimayntaas ka dib u cadaatay ka soo qaybgalayaashii shirarka in ay Bursaalax ka  Horumarsan tahay dagmooginkii hore u jiray qaarkood badan sidaas darteedna ay lama huraan tahay in dawlada Puntland u Aqoonsato Degaanka Bursaalax degmo sida ugu dhaqsaha badana lana fuliyo taladaas ay wadaageen Waxgaradkaas faraha badan.

Puntlandes.com

About The Author