Xog: Habargidir iyo Dam Jadiid oo RW la doonayn qof ka soo jeeda Puntland

Ilo lagu kalsoon yahay oo xog u soo dusiyey Warbaahinta madaxbanaan ee Puntlandes.com aya sheegaysa in Beesha Habargidir iyo Koox diineedka Dam Jadiid aysan marnaba doonayn ruux ka soo jeeda Puntland in uu noqdo Raysul Wasaaraha cusub ee DFS. Iyagoo kale leh laba ujeedo 1-Koox diineedka Dam Jadiid waxay u aragtaa in uu ruuxaasi Carqabad ku noqon karo awooda dalka oo ay marooqsadeen maadaama uu ka soo jeedo Puntland 2 Halka ay Beesha Habargidir u aragto in uu carqabad ku noqon karo Boobka ay doonayaan in ku Boobaan Gobolka Mudug ee Puntland iyo dagaalada ay ka hurinayaan

Labadan kooxoodba waxay madaxweyne Xasan oo Beesha caalamka u balanqaaday in uu RW ka dhigidoono Cumar cabdirashiid si cad ugu sheegeen in uu san ka dhigi karin RW. Wararkuna waxay sheegayaan in ay u badan tahay in uu qaato taladaas.

Wararka ayaa sheegaya in ay hada  R/wasaarenimo ay isugu soo hareen Mareexan iyo Ogaaden oo u kala taagan Xusseen Cabdi Xalane oo hadda ah sii hayaha wasiirka Maaliyadda iyo Bashiir Nuur Bidaar oo ugu cadcad masuuliyiinta xilkaasi u taagan. Waana kuwa ay labadoodu kala wataan.

 

Puntlandes.com

About The Author