Guddoomiye Jawaari oo shir guddoomiyay kulankii guddiga joogtada Golaha Shacabka

29 Marso 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa galabta shir guddoomiyay kulankii Guddiyada Joogta Golaha, iyadoo kulanka looga hadlayay sidii dib loogu bilaabi lahaa howlaha caadiga ahaa ee fadhiyada Baarlamaanka.

Kulanka ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiye kuxigeenka labaad Mahae Cawad, xubmaha Guddiyada iyo Hab dhowrayaasha, iyadoo uu ka maqnaa Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyay ajandaha kulanka ugu soo horeeyay ee maalinta Sabtida, kaasoo ah in looga doodo arrinta Beledxaawo.

Xildhibaano kor u dhaafaya 120 ayaa xalay qoraal ay soo saareen ku shaaciyay inuu fashilmay Mooshinka Guddoomiye Jawaari, maadaama ay dhamaatay waqtigii loogu tala galay ee 10-ka cisho.

Daawo sawirrada

95e3

95e4

95e5

95e6
Puntlandes.com

About The Author