C/wali Muudey “Mooshinka laga keenay Gudomiyaha waxaa Golaha la horgaynayaa maalinta sabtida”

30 Marso 2018 (Puntlandes) Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudey oo ay gadaal ka riixayso Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari aanu jabin, isla markaana uu wali sidiisa u taagan yahay.

92e

Qoraalka Muudeey ayaa ka koobnaa sadxa qodob oo kala ahaa:

  1. Xeer hoosaadka Golaha Shacabka Qodobkiisa 9-aad, Faqradiisa 4-aad wuxuu dhigayaa ”Mooshinka Xil-ka-qaadista Gudoomiyaha Golaha shacabaka waxaa laga doodayaa loona codaynayaa ( 10) cisho oo maalin shaqo ah gudahood, laga bilaabo taariikhda Mooshinka la keenay Golaha”.  Sidaas daraadeed Mooshinka laga keenay Gudomiyaha waxaa Golaha la horgaynayaa maalinta sabtida ee ay taariikhdu tahay 31/03/2018.
  2. Sida sharcigu na farayo Gudiga joogtada ah ee Golaha Shacabka wuxuu hawlaha Baarlamaanka sii wadaaa, Ajandaha kalfadhiga soo socdana dejiyaa markii Xildhibaanada golaha fasax ku jiraan, laakiin markii golohu furan yahay mal aha wax saamayn sharci ah oo ay go’aan ku gaari karaan.
  3. in Gudooiyaha Mooshinka laga keenay sharciyan aanu ku hadli karin magaca Golaha Shacabka inta arintiisa goluhu go’aan ka gaarayo.

Shir jaraa’id oo uu xalay saqdii dhexe qabtay kaligii oo ay dhinac fadhiyaan labo xildhibaan ayuu ku sheegay in mooshinkaas iyo habraaciisa aanay waxba iska bedelin.

Waxaa uu sheegay in Mooshinka la horgeynayo Baarlamaanka 31-ka bishan, inta go’aan laga gaarayana aanu Jawaari ku hadli karin Magaca Golaha Shacabka.

Muudeey ayaa Guddiga Joogtada ku sheegay inay howlaha Golaha sii wado marka Xildhibaanada fasax ku maqan yihiin oo kaliya waa sida uu hadalka u dhigaye.

Akhriso qoraalka Muudeey

95e8

Puntlandes.com

About The Author