Madaxweyne Farmaajo oo ciidankii hore u hayey amaanka Golaha Shacabka dib ugu celiyey.

31 Marso 2018 (Puntlandes) Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in ciidankii hore u sugayey amniga Dhismaha Golaha Shacabka dib loogu celiyay mas’uuliyadda amniga.

94a

Ciidamadan ayaa gaaraya 114 askari oo boolis ah, iyadoo ay amniga dhismaha baarlamaanka dhawaan kala wareegeen ciidamo kale oo uu gudoomiyaha Golaha Shacabka ku eedeeyay in ay soo dirtay xukuumada.

Xukuumada Federaalka Soomaaliya kama aysan bixin wax faah-faahin ah ciidamadaasi.

Mas’uuliyiin ka dhow guddoonka Baarlamaanka ayaa saxaafadda u sheegay in cidankaasi saaka lagu soo celiyey dhismahama baarlamaanka ayna haatan iyagu hayaan mas’uuliyadda amniga gudaha ee dhismaha.
Arrintan ayaa ka dambaysay markii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajao uu soo farageliyey xaaladda siyaasadeed ee mooshinkii isla markaana uu faray in la hakiyo mooshinkaas.

Soo faragelinta madaxweynaha ee khilaafka baarlamaanka ayaa soo baxay kadib marki ay saacadihi ugu danbeeyay ee Jimcihi shalay, ay baaqyo isku mid ahi madaxda qaranka u soo direen qaar ka mid ah madaxweynayaashi hore ee Soomaaliya, siyaasiyiin iyo ururada bulshada rayidka ah.

Xildhibaanada mooshinka ka keenay gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shalay hadal ay soo saareen ku sheegay in ay Sabtida maanta ah billaabi doonaan dhageysiga mooshinka.

Halka xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinkani ay ku adkeysteen in kulanka baalamaanka ay kaga hadli doonaan muranka xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ee Baladxaawo.

Puntlandes.com

About The Author