Dhagayso: Senater Cumar oo ku taliyay in xal siyaasadeed lagu dhameeyo khilaafka baarlamaanka

31 Marso 2018 (Puntlandes) Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya hadana ah senatoer ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo waraysi siiyey VOA ayaa ka hadlay khilaafka ka dhex jira xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS.

98a8

Senater Cumar ayaa ku taliyay in xal siyaasadeed lagu dhameeyo,  lana joojiyo mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Cusmaan Jawaari.

Mudane Cumar ayaa ku ammaanay Madaxweyne Farmaajo soo dhex gelida khilaafka Golaha Shacabka iyo dib u dhigga uu ku sameeyay kulankii lagu waday in uu maanta ka dhaco magaalada Muqdisho.

Senaterka ayaa sheegay in khilaaf sidan oo kale ah hore u soo dhex galay dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud oo mooshin laga keenay balse dib loo celiyay kadib markii Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan iyo Madaxweynihii Xasan Sheekh iyo ra’iisal Wasaarihii xilligaas Cumar Cabdirashiid ay wadahadal ku xaliyeen.

Senater Cumar ayaa yiri “Waxaan rajeynayaa in xal siyaasadeed oo waara laga gaaro khilaafka xukuumada iyo baarlamaankana ay ka fogaadaan buuqa iyo isqabqabsiga.”

Dhanka kale Cumar ayaa sheegay in haddii xal siyaasadeed ay suurtogal noqon weydo in mooshinka uu noqdo mid cad oo si cadaalad ah loogu codeeyo, sida uu qabo dastuurka dalka iyo Xeer hoosaadka.

Inkastoo uu Madaxweyne Farmaajo uu codsaday in dib loo dhigo kulamada Baarlamaanka ayaan illaa iyo haatan la ogeyn sida lagu xalin doono khilaafka ka dhex jira xildhibaanada baarlamaanka Federalka oo haatan labo dhinac u kala qeybsan.

Dhagayso waraysiga ay VOA la yeelatay Senater Cumar

Hoos ka dhagayso khudbadii madaxweynaha


Puntlandes.com

About The Author