Sawirro: U diyaar garoowga Shirwaynaha Warfaafinta Soomaaliya oo Garowe ka socda

01 April 2018 (Puntlandes) Caasimadda Puntland ee Garowe ayaa waxaa ka socda kullamo wadatashi ah oo la xiriira u diyaar garoowga Shirwaynaha Warfaafinta Soomaaliya oo dhawaan Ka dhacaya magaaladaas.

Wasiirka Warfaafinta dawladda Puntland Mudane Cabdi Xirsi Cali Qajab iyo Wasiir Ku xigeenka Cabdirisaaq Shiikh-aduun, Agaasimayaasha Wasaraadda, Madaxda Ururka MAP iyo Guddiga Sare ee Saxaafadda Puntland ayaa la kulmay Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala Agaasimaha Guud ee wasaarada warfaafinta dawladda Faderaalka oo Gorowe ku sugan.

Ugu horayn Mudane C/rixmaan Yuusuf Sheekh Cadaala Agaasimaha Guud ee Wasaaradda warfaafinta ayaa ugu mahadceliyay madaxda Wasaaradda warfaafinta Puntland iyo Map sida wanaagsan oo ay ugu soo dhoweeyeen magaalada Garowe iyo dadaalada ay ugu jiraan horumarinta Warbaahinta.

Shirka ka furmaya Garowe ayaa oo u dhaxeeya Wasaaradaha heer Federaal iyo heer Dawlad-goboleed ayaa diiradda lagu saari doonaasidii ay wadashaqayn u abuuri lahaayeen dhamaan qaybaha ka shaqeeya arrimaha Warfaafinta, sida Wasaaradaha heer Federaal iyo heer Dawlad-goboleed, Warbaahinta Dawliga ah iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay intaba.

 

Daawo sawirrada

99b

99b1

99b2

99b3

99b4
Puntlandes.com

About The Author