Sawirro: Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Sare oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

01 April 2018 (Puntlandes) Guddiga Arimaha Dibedda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xarunta wasaaradda Arrimaha Dibadda kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Waxaana kulankaasi wasiirka uu warbixin guud ka siiyey guddiga howlaha shaqo ee wasaaradda iyo arrinta Balad Xaawo oo uu ka taagnaa muran la xiriira dhinaca Xadka.

Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa u sheegay guddiga in la hakiyey dhismaha darbiga laga dhisayey Balad Xaawo, maadaama arrintaasi uu hakiyey madaxweynaha dalka oo ay wada hadleen dhiggiisa dalka Kenya, howlaha wasaaradduna ay u socdaan si wanaagsan.

Gudoomiyaha Guddiga Arimaha Dibadda, Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Aqalka sare Sanatar C/risaaq Cismaan Jurule ayaa kulanka kadib sheegay in wasiirka uu si faah faahsan ugu sharaxay guddiga howlaha socda, islamarkaana ay ku qanceen.

“Wasiirka waxa uu faah faahin naga siiyay howlaha wasaaradda, waxaan si buuxda iskula garanay wada shaqaynta Guddiga iyo Wasaaradda oo aan ku qanacnay howsha ay dalka u heyso”ayuu yiri Sanatar Jurule.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa isna dhankiisa sheegay in arrinta Balad Xaawo si gaar ah ay uga wada hadleen labada madaxweyne ee Kenya iyo Soomaaliya, islamarkaana iminka si wanaagsan ay wax u socdaan.

“Laba guddi oo degmada Balad Xaawo iyo Mandheere ah ayaa la magacaabay, waxey sii wadayaan sidii labada shacab ay ugu wada noolaan lahaayeen si wanaagsan” ayuu yiri wasiirka.

 

Sawirro

99a

99a1

99a1a

99a2

99a3

99a4

99a5

99a6

99a7

99a8
Puntlandes.com

About The Author