Dhagayso: Gen Gorod oo ka hadlay qoraal uu ku dalbaday in la fasaxo lacagtii UAE, Ciidamadii ay taageeri jireen & waxa iska bedelay

11 April 2018 (Puntlandes) Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, sareeye Guuto Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) oo waraysi siiyey VOA ayaa markii ugu horraysay ka hadlay warqad uu u qoray maalintii Axaddii taasi oo ku socotay maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan isagoo ku codsanayey in Imaaraadka in loo oggolaado inay la soo baxaan lacago ay la soo degayeen.

21a9

Gorod ayaa waxa uu sheegay inay lacagtu uga imanaysay Imaaraadka magaalada Bosaso, waxayna u socotay Ciidan ku sugan Muqdisho

Lacagta ayaa markii dambe waxa la wareegay dawladdda Soomaaliya iyadoo sheegay inay sharci daro tahay.

Dhanka kale Gorod ayaa ka hadlay Ciidamii ay Imaaraadku tababari jireemn Mushahaarkoodana ay bixin oo ay dawladu xalay shaacisay inay la wareegtay una kala qaybinayso qaybaha kala duwan ee CXDS, isagoo caddeeye y inay Siyaasiyiinta u taalo uuna ka warqabo go’aankaas laakiin  uu jeclaan lahaa in ay Ciidamka u tababatraan kana taageeraan xagga Mushahaarka.

Dhagayso waraysiga Gorod


Puntlandes.com

About The Author