Daawo Video: Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay Qabsashadisii Tukaraq sheegayna inuusan fahansanayn waxa Puntland dhibsatay

11 April 2018 (Puntlandes) Madaxweyneaha Somailand mudane Muuse Biixi Cabdi oo waraysi siiyey TVga Universal ayaa ka hadlay Qabsashadii Somaliland ee degaanka Tukaraq oo ka tirsan Gobolka Sool, isagoo ku sifeeyey wax inuusan fahansanayn waxa Puntland dhibsatay oo ka qaylisiiyey.

95

Ugu horay Muuse Biixi ayaa w ariye Hareri waxa uu waydiiyey ika horimaadyo Tukaraq ku dhex maray Ciidanka Somailand iyo kuwa Puntland wuxuuna uga jawaabay si moogaysiin ah isagoo yiri “Iska hor-imaadyaa, dee iska hor-imaadyo ha oran, malaha ma Ciidankiina ayaa ka guuray meel uu degenaa ayaad ula jeedaa?, mise dagaalo kale?” Muuse ayaa sii raacshay inay jirto Ciidankoodu ka guuray meel Somaliland ah una guuray meel kale oo Somaliland ah.

Dhanka kale Muuse Biixi ayaanba la socon ama ogayn markii ay Ciidamadiisu xoogga ku qabsadeen 08dii janaayo 218, isagoo hada sheegay inay qabsadeen 6dii Febraayo 2018, halkan ka akhriso markii ay qabsadeen.

Daawo muuqaalka oo arimo badan oo xasaasi ahh uu uga hadlayo


Puntlandes.com

About The Author