Sawiro: Dhalin-Soomaali-Australian oo walaalo ah oo Qalabka Olympickada ugu deeqay Iskuulka Ciro ee magaalada Buursaalax

Hanad Cabdiwahaab Mohamed Barkahdle oo 15-jir ah , Jahaan Cabdiwahaab Mohamed Barkahdle oo 12-jir ah iyo Amaar Cabdiwahaab Mohamed Barkahdle 10-jir ah, ayaa qalabka Cayaaraha orodada ugu deeqay Iskuulka Cirro ee Bursalah ee Gobolka Mudug, oo ah Iskuul boodhinka Carruurta Agoonta wax lagu baro.

Qalabkaan ayaa ka kooban Javelin (waramo), Disks (Saxamo), shortpot (kubada culus), qalabka boodinta dheer(high jump), qalabka boodinta oradka (hurdles), qori isku dhiibasho (relay buttons), saacado iyo qalab kale.

Da’yartan walaalaha ah ee Hanad, Jahan iyo Amaar, ka dib markay tababar iyo tartan ardayda u qabteen, ayay qalabkii ku wareejiyay Maamulaha Iskuulka Cirro Cabdiwaxiid khaliif Wayrax iyo maamulaha guud ee Mashruuca Cabdirashiid Faarah.

Hanad Cabdiwahaab Mohamed Barkahdle,Jahaan Cabdiwahaab Mohamed Barkhadle iyo Amaar Cabdiwahaab Mohamed Barkahdle oo ka hadlayay dhibta ay u soo mareen qalabkaan ayaa yiri’’waxaan kusoo gadnay, lacagtii aan pocket moniga schoolka ka aruursanay, waxaan u mahadnaqaynaa  waalidkeen oo mar walba garab taagnaa, Aabe Abdiwahaab Mohamed Barkahdle iyo Hooyo Sagal Qaasim Ahmed Thabet, waxaan Ardayda ku adkaynaynaa inay xafidtaan, oo bari laga dhaxlo. Waxayna rajaynayaan Ciyaaryahano aduunka caan ku noqota in ay ka soo baxaan Iskuulka Cirro’’,

Mar uu hanad Cabdiwahaab Maxamed Barkhadle ka hadlayay muhiimada ay leedahay in la isku tashto ayaa wuxuu yiri‘’…Hay’ad wadan dhan ma dhisi karto, ee dad baa wadan dhista, waxaan rajaynaynaa in reer kasta, saas iyo si ka fiican sameeyaan intii ay sugi lahaayeen in ay hay’ad wax u qabato, oo mid hal school reerkiiba sponsor gareeyaan’’Ayuu yiri Hanad.

Carruurtan ayaa ugu baaqay Waalidiinta Soomaaliyeed inay Ubadkooda keenaan dalka,ayna ka qayb qaataan hormarka dalka,iyaga oo ka duulaya Aragtidii Madaxweynaha Dawlada Puntland ee ahayd ‘’PUNTLAND HA ISKU TASHATO’’.

Dhanka kale hanad, jihaan iyo Amaar waxay kaloo ku deeqeen kabaha nooca cayaaraha kubada cagta oo ay ugu deeqeen Iskuulka Rajo Primary school ee Bursaalah,waxaana kabahan  badankooda ay ka soo aruuriyeen Iskuulka ay wax ka baranayeen oo lagu magacaabo Amaroo school ee ku yaal, magaalada Canberra ee Wadanka Australia.

Waxaa Deeqda si fiican uga Guddoomay Maamula Dugsiga Ahmed Amey, Macalimiinta iyo Ardayda Iskuulka, kuna booriyay in amaroo school iyo rajo school La-mataaneeyo.

Cabdiwahaab Mohamed Barkahdle oo ah Aabaha dhalay Carruurta,ayaa ugu baaqay Waalidiinta Soomaaliyeed inay Ubadkooda keenaan dalka,maadama dalkooda rasmiga ah uu yahay Soomaaliya,wuxuu xusay in muhiim ay tahay in Ubadka soo koraya lagu barbaariyo Jacaylka dalkooda Hooyo.

Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa horay ugu dhawaaqay in loo baahan yahay in Puntland ay isku tashato,taasi oo durba Da’yartii dibada ku noola ay ka jawaabeen.

 Sawiro 

1150
1132

1133

1134

1135

1136

1137

1138

1139

1140

1141

1142

1143

1144

1145

1146

1147

1149

Puntlandes.com

About The Author