Dawladda Puntland oo soo dhaweysay magacaabista Raysal-wasaaraha cusub Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake

Dawladda Puntland ee Soomaaliya iyadoo  tixgalineysa isla markaana qadarineysa deganaanshaha dalka iyo  siyaasada soomaaliya waxay marwalbana taageereysaa  qorshe walba oo ay ummada Soomaaliyeed uga baxayso jaahwareerka iyo Isqab qabsiga siyaasadeed ee dib u dhaca ku ridey dhammaan hey’adihii Dawladda Soomaaliya ,sidaa daraadeed waxay Dawladda Puntland si buuxda usoo dhaweyneysaa magacaabida Reysul’waaraha cusub ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane  Cumar C/shiid Cali Sharmaarke.

Dawladda Puntland ee Soomaaliya waxay ku amaaneysaa Reysul’wasaaraha cusub Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke Aqoontiisa  iyo waayo Aragnimda uu u leeyahey xilka loo magacaabey,

Ugu Danbayntii.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas wuxuu hanabalyo iyo bogaadin u dirayaa  Reysul’wasaaraha cusub ee Dawlada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.wuxuuna u rajeynaya inuu shaqadiisa uguto si wanaagsan

 

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland

 

Puntlandes.com

About The Author