Boqor Buurmadow oo shan sano oo xabsi ah loogu xukumay nabad uu ka hadlay!!!

26 April 2018 (Puntlandes) Maxkamad ku taal magaalada Hargeysa ayaa maanta xabsi aad u dheer oo  ah 5 sano ku xukuntay Boqor Buurmadow, iyadoo isla markiiba loo dhaadhiciyay xabsiga weyn ee Hargeysa.

Boqor Buurmadow ayaa damaanad ku joogay magaalada, hase ahaatee markii Maxkamadda ay xukunka ku riday xabsiga loo taxaabay.

Xukunkan ayaa la sheegay in aanu iibsan karin, balse Madaxweynaha Somaliland uu cafin karo, waxaana dhowaan lagu soo eedeeyay dacwad la xiriira inuu Caleesaarkii Beeldaajiye ee ka dhacday bishan 15keedii magaalada Carmo ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay nabad ku wadanoolaanshaha Punytland iyo Somaliland isagoo kahadlay deegaanka Tukaraq ee ay Somaliland qabsatay.

Puntlandes.com

About The Author