28 April 2018 (Puntlandes) Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa Qof ismiidaamiyey wuxuu isku qaraxiyeu goob ay ku  sugnaayeen  Saraakiisha Ciidan isku dhafka ee ka hawlgala Magaalada Gaalkacyo.

Khasaaraha ka dhashay Qaraxa ayaa ah sida ay Warbaahinta Puntlandes heshay afar qof oo dhimasho ah.

Saraakiisha dhimatay ayaa waxay kala yihiin Taliyihii ciidamada Isku dhafka ee gobalka Mudug Korneyl Cabdi C/laahi Maxamuud (Xoreeye) iyo Sarkaal kale Cabdiqani Axmed Geyre oo kamid ahaa saraakiisha Laamaha Ammaanka ee gobalka Mudug.

Waxaa kale oo qaraxa ku geeryootay laba ka mid ah Askarta Ciidamada isku dhafka ah.

Puntlandes.com

About The Author