Golaha Shacabka oo maanta dooranaya Guddoomiyaha Golahaas

30 April 2018 (Puntlandes) Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah ka dhaceysa xarunta Golaha Shacabka, iyadoo ay maalmihii u dambeeyey wadeen Musharixiintu olole ay ku kasbanayaan codka Xildhidhibaanada.

28b7

Guddiga Qaban qaabada doorashada ayaa u gudbiyay Xildhibaanada inay soo xaadiraan xarunta Golaha shacabka 10-ka subaxnimo, isla markaana waqtiga la ilaaliyo.

Ammaanka xarunta Golaha shacabka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo sanaadiiqdii cododka lagu ridi lahaa la diyaariyay.

Waxaa la filayaa in doorashada ay goobjoog ka noqdaan Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, waxaana la rajeynayaa in doorashada u dhacdo qaab daah furan, iyadoo telefishinada si toos looga daawan doono.

11 Musharax ee ku tartamaya doorashada ayaa kala ah:

  1. Xil. Shariif Sheekhuna Maye
  2. Xil. Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman
  3. Xil. Sharif Mohamed Abdalla Hussein
  4. Xil. Mohamud Moalim Yahya
  5. Xil. Iman Abdullahi Ali
  6. Xil.Ibrahim Issac Yarow
  7. Xil.Ali Sheikh Mohamed Nur
  8. Xil.Prof. Salim Alio Ibro
  9. Xil.Abdiaziz Hassan Mohamed
  10. Xil.Sheikh Aden Mohamed Nur
  11. Xil.Idiris Abdi Taktar

 

Puntlandes.com

About The Author