Masar oo walaacsan Xoogan ka muujisay joogitaanka Turkiga iyo Qatar ee gudaha Somalia

30 April 2018 (Puntlandes) Wargeyska Toddobaadlaha ee The Arab Weekly ee ka soo baxa magaalladda London waxa uu qoray Faallo dheet oo looga hadlay Xaalladihii ugu dambeeyey ee Somalia iyo Aragtida Madaxda Masar ee saamaynta ay Turkiga iyo Qatar ku yeesheen Arrimaha Somalia.

28b6

Kadib, markii ay Dowladda Imaaraadka joojisay Barnaamijkii Tababarka Ciiddanka Somalia waxay Xisbiyadda Siyaasadda ee Masar ugu baaeen Dowladda Masar in la qaado Dadaal Diplomaasiyadeed oo looga hortagayo cabsida ku aadan inay Somalia  noqoto Cabsi dhinaca Ammaanka.

Xeeldheerayaasha Masaarida waxay waayadan dambe indhaha ku hayeen waxyaabihii u dambeeyey ee Somali oo ay ku jirto Xasaasiyadda Turkiga iyo Qatar o oaan la sahlan Karin.

Inkastoo Masar xuduud la laahayn Somalia, haddana Somalia waxay ku taallaa deegaan Istaraatijiyad leh oo ku teedsan Gacanka Cadmeed oo  ku hagayo Badda Cas iyo Xeebaha Yemen.

Wargeyska The Arab Weekly waxa uu qoray in Somalia isku bedeshay dal uusan sharci ka jirin sannadkii 1991-kii, iyadoo Dagaalladii Sokeeye sababeen dhismihii Ururka Al-qaacida oo Isbahaysi la noqotay Ururka Alqaacida sannadkii 2012-kii.

wargeysku waxa uu  si qoto dheer uga warbixiyey xaalladihii Amni-xumo ee Somalia, iyo sida ay u sii kordhayso Joogitaanka Kooxda Daacish ee gudaha Somalia, kadib, guul-darooyinkii ay  kala soo kulmeen dalalka Syria, Iraq iyo Libya.

Warbixinta waxay xustay inay Turkiga iyo Qatar muujiyeen Dnaaha sii kordhaya ee ay ka leeyihiin Somalia, iyadoo Dowladda Qatar lagu eedeeyo inay Alshabaab maalgelinta u soo mariyaan Jabuuti, waa sida lagu qoray Wargeyska toddobaadlaha ee  The Arab Weekly.

Wargeysku waxa kale oo uu qoray inay Dowladda Qatar caan ku tahay taageeridda Urur-diimeedka Islaax ee Somalia ee xiriirka la leh Ururka Akhwaanul-musliinka laga mamnuucay dalka Masar.

Wararka ku aadan inay Dowladda Imaaraadka Carabta joojisay Barnaamijkii Tababarka Ciiddanka Somalia ayaa yimid, kadib, markii ay Ciiddanka Ammaanka Somalia gacanta ku dhigeen Diyaarad laga lahaa Imaaraadka oo waday lacag dhan 9.6 million oo Dollar.

Wargeyska The Arab Weekly ayaa sii raaciyey in Lacagtaasi la qabtay sababtay inay kordhaan gacanta ay Turkiga iyo Qatar ku leeyihiin Arrimaha Somalia.

Qoraa u dhashay Imaaraadka o olagu magacaabo Khaalid Bin Daaha Al-kacbi oo uu Wargeysku  soo xigtay waxa uu ku eedeeyey Dowladad Qatar inay isku tijaabisay sidii looga hortegi lahaa doorka Imaaraadka ku leeyihiin Arrimaha Somalia.

“Qaar ka mid ah dalalka ayaa danaynaya inay Fowdo ka abuuraan dalka Somalia iyo inay amar la’aan ka dhigaan Dowladda” ayu uyiri Qoraagaasi oo intaasi ku daray inay Somalia tahay qeyb muhiim ah  Ammaanka Qaranka Carabta, iyo inay Deganaanshaha  Somalia muhiim u tahay ammaankaasi.

Dhinaca kale, Wargeyska The Arab Weekly waxa uu soo xigtay Professor Taariq Fahmi oo Cilmiga Siyaasadda ka dhiga Jaamacca Cairo University ayaa sheegay in Fraagelinta Xooggaga Gobalka ee Somalia looga dan leeyahay in Deganaansho la’aan laga abuuro Somalia oo ugu dambeyntii ku dhamaan doonta dhibaato soo gaarta Ammaanka Carabta

“Waxay taasi muhiim ka dhigaysaa in Isbahaysiga Carabta ee La-dagaalanka Argagixisada oo ay Masar, Imaaraadka, Sacuudiga iyo Baxrayn ka mid yihiin u soo dhaqaaqaan sidii loo joojin lahaa Faragelintaas, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wargeyska The Arab Weekly waxa u bidhaamiyey inay Dowladda Masar dhowr sabab keeni karto inay Somalia ka qaadaan tallaabo, iyadoo Turkiga iyo Masar ka dhexeeyo Is-maan-diid badan oo ay ku jirto Ururka Akhwaanul-muslimiinta.

Dowladda Masar oo Argagixisadda kula dagaalamayso gudaha Masar iyo dalka deriska la ah Libya waxay ka walaacsan tahay in Joogitaanka Turkiga iyo Qatar ee qeybta Koonfureed ee Badad Cas iyo Geesja Afrika sahli doonto Dhaqdhaqaaqa Argagixisadda ee Gobalka, waa sida uu qoray Wargeyskaas.

Si kastaba ha ahaatee,  Dowladaha Turkiga iyo Qatar waxay u muuqdaan kuwo mucaaradsan Dowladda Masar, isla markaana ay doonayaan inay kordhiyaan Joogitaankooda gudaha Qaaradda Afrika.

Turkiga waxay Saldhigooda Milliteri ee ugu horreeyey ee Gacanka Carbeed ka furteen sannadkii 2017-kii.

Xigasho: The Arab Weekly

About The Author