Sheekh Aadan Madoobe oo ka haray Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

30 April 2018 (Puntlandes) Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa  ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay tartanka doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka

Hadal uu jeediyay ka hor inta aanay bilaaban codeynta ayuu Aadan Madoobe oo horay u soo noqday Guddoomiye Baarlamaan ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu isaga haro tartanka, maadaama ay aad u badan yihiin Musharaxiinta.

“Aniga waxaa is lahaa, haddii aad isa soo taagto walaalahaaga wey ku deyn doonaa, laakiin waxaa arkaa in aad xilka aad u rabtana, sidaas darteed waxaa go’aan ku gaaray inaan isaga haro”ayuu yiri Aadan Madoobe.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Xildhibaanada in qof walba uu khiyaar leeyahay, isagoo u iftiimiyay in aanay iloowin xulashadooda labaad ama Plan B.

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada doorashada Nuur Iidow Beyle ayaa ku dhawaaqay in la soo daabici doono waraaqadaha codeynta oo ah 10 Musharax, iyadoo haatan la sugayo in waraaqaha la soo daabaco.

Daabaacada waraaqaha codeynta kaddib ayaa la guda geli doonaa inay si rasmi u bilaabato codeynta, waxaana xarunta Golaha shacabka ku sugan illaa 262 Xildhibaan, sidoo kale waxaa goobjoog ah Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka.

Puntlandes.com

About The Author