Maxamed Mursal iyo Ibraahim Isaaq Yarow oo isugu soo haray Tartanka doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

30 April 2018 (Puntlandes) Tartanka Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sii kululaaday, kaddib markii labo ka mid ah afartii musharax ee wareega labaad u soo gudbay ay tanaasuleen, iyadoo labo Musharax ay isugu soo jareen wareega 3aad ee kala baxa ah.

Mursal-Yarow

 Musharax Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Ibraahim Isaaq Yarow ayaa isku soo haray, labada Musharax ayaa ahaa labada musharax ee ugu sareeyay cododka wareega koowaad.

Wareega 3aad ayaa noqon doonta mid kama dambeysta ee soo afjara loolanka labada Musharax, taasoo mid uu ku guuleysan doono cod hal dheeri ah ama aqlabiyada ugu badan Baarlamaanka..

Tartanka ayaa waxaa xiiso u sii yeelay, markii labadan musharax ay si aan caadi aheyn taageero uga kala heleen Madaxtooyada iyo xubnaha Xildhibaanada mucaaradka iyo Maamul goboleedyada.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxtooyada iyo Xukuumadda ay gadaal ka taageerayaan Maxamed Mursal oo ahaa Wasiirkii Gaashaandhigga, sidoo kale Musharaxa kale Ibraahim Isaaq Yarow ayaa isna waxaa taageeraya Maamul goboleedyada qaar iyo Xildhibaanada mucaaradka.

Lama saadaalin karo cida ku guuleysan doonto, waxaana saacadihii u dambeeyay socday kulamo xoog leh iyo loolan loogu jiray cododka Xildhibaanada.

Puntlandes.com

About The Author