Maxamed Mursal oo loo doortay Gudoomiyaha Golaha Shacabka

30 April 2018 (Puntlandes) Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddomiyaha cusub ee baarlamaanka u doortay Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan oo ahaa musharax ay wadatay dowladda Soomaaliya.

26

Musharaxaan ayaa ka guuleystay Ibraahim Isaaq Yarow oo ay isugu soo hareen wareegga labaad ee tartankaas kadib markii ay xildhibaanada kale is casileen.

Sida aan wararka hordhaca ah ku heleyno Maxamed Mursal ayaa helay codad ku dhow ilaa 147 cod .

halka Ibraahim Isaaq Yarow uu helay 118 cod.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ahna sii hayaha xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Muudey ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada.

Wuxuu sheegay inuu Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya loo doortay Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan.

dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa khudbadaha musharixiinta.

Puntlandes.com

About The Author